Xili uu shir jaraa’id warbaahinta u qabanayay afhayeenka waaxda arrimaha Dibadda Mareykanka Ned price ayaa waxa uu kaga hadlay ismari waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya kadib markii madaxda dowladda Federalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ku guuldareesteen iney heshiis ka gaaraan doorashooyinka Qaranka.

Afayeenka ayaa waxa uu sheegay in Mareykanka uu aad kaga walaacsanyahay hergelin la’aanta doorashooyinka lagu heshiiyay ee dalka si aan looga habaabin geedi socodka nabadeed iyo kan Dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya.

“ Waxaan ugu baaqayaa madaxda Soomaalida iney si deg deg ah dib ugu soo celiyaan wadahalladooda ku aadan doorashada si isla hadda ay u dhacdo, dib u dhigista doorashada waxey ka hor imaaneysaa dadaalada loogu jiro la dagaalanka araggixsada, waxeyna dib u dhigeysaa dadaaladda lagu bixiyay Soomaaliya, sidaas darteed waxaa kordhaya qataraha iyo xasilooni darrada” Afhayeenka waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sidaas u sheegay wariyeyaasha isagoo kula hadlayay Aqalka Cad.

Dolwadda Mareykanka ayaa sidoo kale xustay in madaxda Soomaalida looga baahanyahay iney wada xaajood deg deg ah ka galaan doorashooyinka oo ah kuwa lagama maarmaan ah taa oo mustaqbalka Soomaaliya halis gelin karta hadii aan laga shaqeyn.

8-dii February 2021 markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo waxaa isa soo tarayay baaqyada kala duwan ee ka imanaya Beesha Caalamka sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo dowladaha waaweyn ee Soomaaliya taageera sida UK iyo USA kuwaa oo ku celceliyay isfaham laga gaaro doorashada iyadoo kaga hortagayo dib u dhac.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa qorshaha wuxuu ahaa iney bilowdaan 2020 balse dib u dhacyo isxig xigay ayaa ku yimid iyadoo hadda Midowga Musharaxiinta iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ay sheegeen in Farmaajo aysan u aqoonsaneyn Madaxweyne.

W/T: Abdiaziz Hassan Ibrahim

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here