HomeWarkiiMareykanka oo ku amaanay Dowlada Soomaaliya qalab casriga ah ay dhigtay Xuduudaha...

Mareykanka oo ku amaanay Dowlada Soomaaliya qalab casriga ah ay dhigtay Xuduudaha dalka.

Bayaan kaan ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee xafiiska Muqdisho ayaa lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah u daah-furtay nidaam cusub oo lagu sugayo amniga xuduudaha uu la wadaago dalalka dariska la ah, kaasi oo loo adeegsanayo qalab casri ah oo Mareykanku ugu deeqay Soomaaliya.
War-Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in qalabkaan casriga ah uu saraakiisha Hay’adda Socdaalka ka caawinayo inay xoojiyaan guud ahaan amniga Qaranka iyo ka hortegidda tahriibinta sharci- darada ah iyo kooxaha Argagixisada ah.
Daah-furka qalabkaan cusub oo ay ku shaqeyneyso Hay’adda Socdaalka ayaa daba socday tababar afar maalmood socday oo Muqdisho ka dhacay, kaas oo qubaro Mareykanka ka socday ay ku tababarayeen saraakiisha socdaalka Soomaaliya si ay u adeegsadaan Nidaamka Isbarbardhigga iyo qiimeynta Aqoonsiga Gaarka ah (PISCES) oo ah qalab casri ah oo lagu isticmaalo goobaha muhiimka ah ee laga soo galo dalka gaar ahaan dhanka xuduudaha si loo hubiyo dadka ka soo gudbaya xadka.
“Nidaamkani waxa uu u ogolaanayaa saraakiisha ku sugan xuduudaha in ay ogaan karaan sugnaanshiyaha saxda ah sharciyada ay wataan dadka xadka ka soo talaabaya nuuckasta oo ay yihiin, lana socdaan dhaqdhaqaaqa shakhsiga ah”. Ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya.May be an image of 3 people and text that says 'TRAIN TIFICATIOLSECURE TIFICATIC SL'May be an image of 11 people, people studying and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -