Wasaaradda Arrimaha dibada dalka Mareykanka ayaa sheegtay in ay hayso cadeymo muujinaya in ciidamada Ereteriyaanka ee ku sugan Gobolka Tigreey ay geesanayaan xadgudubyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha iyo boob ay dadka kula kacayaan waxaana uu ku baaqay in ay isaga baxaan Gobolkaasi Tigreey.

Wasaarada waxa ay shaaca ka qaaday in aysan u dulqaadan doonin sii joogtitaanka ciidamadaasi waxaaana ay ku baaqday in ay wada hadlaan shacabka gobolkaasi iyo dowladda Ethiopia si loo garsiiyo halkaasi gargaarka bini aadamnimo.

November ayay ahayd sanadkii tagay 2020 markii dowladda dalkaasi ay dulaan xoogan ku maquunisay hogaamiyaasha gobolka Tigreeyga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here