New York (dayniiile.com)-Dowlada Mareykanka ayaa tn iyo xalay waxay ka dhex waday Fadhiga Qaramada Midoobe dhaq dhaqaaq ay doonayeen inay kaga dhaadhiciyaan in guud ahaan Dalalka  xubnaha ka ah Golaha Ammaanka QM ay wada-jir u cambaareeyaan weerarkii ay Yuhuuda ku qaadeen Dagaalyahanada Muslimiinta ah ee reer Falastiin.

Sida uu warbaahinta u cadeeyay Kaaliyaha danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay waxaa shaqeyn waayay isku day uu ka dhex sameeyay xarunta Qaramada Midoobe kaasoo ahaa in wada jir loo Cambaareeyo Xamaas.

Advertisement

Ninkaan Mareykanka u hadlay ayaa cadeeyay in fadhigii xalay ay yeesheen Qaramada Midoobe la isku khilaafay arinta cambaareynta ay soo jeedsheen Mareykanka  islamarkaana ay si toos ah dalalka qaar si toos ah uga hor imaadeen in la Cambaareeyo Xasaan.

Kaaliyaha danjiraha Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ma uusan magacaabion dalalka diiday qorshahooda waxaase la maleynayaa Shiinaha iyo Ruushka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here