WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa soo jeedisay in Xafiiska Qaramada Midoobe ee Somalia (UNSOS) loogu daro sanad dheeraad ah si ay shaqadooda u sii wataan madaama dhawaan Dowlada Somalia ay xirtay Xafiiskoodii.
Mareykanka wuxuu xusay in Xafiiska QM ee taageerada Somalia UNSOS fursad loo siiyo inay si tartiib tartiib ah uga guuraan Somalia intii ay bixi lahaayeen dhamaadka sanadkaan.
Mareykanka ayaa hada u muuqda inuu wax ka badalay qorshihiihisa taageerada Somalia madaama bilihii ugu danbeeyay uu Mareykanku ku celcelinyay inay joojinayaan taageeradooda arimaha Somalia.
Mareykanka wuxuu hada soo jeediyay in Xafiiska taageerada Somalia ee UNSOS uu sii wato garab siintiisa Howlgalka Nabad ilaalinta Ciidamada Midowga Afrika,sidoo kale qorshaha Mareykanka wuxuu dhigayaa inay wanaahsan tahay in mudada kala guurka uu bilowdo 31-ka December ee sanadkaan markaasoo howlgalka AUSSOM uu ku egtahay shaqadooda .
Inkastoo Mareykanku warbixintiisa ku cadeyn inay ka laabteen go’aankoodii hore ee ahaa inaysan December wixii ka danbeeya dhaqaale danbe ku bixin doonin hadana sida warkooda ku jirta waxay soo jeediyeen in Xafiiska QM ee Somalia loogu daro mudo sanad dheeraad ah ayna la sii shaqeeyaan Howlgalka AUSSOM.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM