HomeWarkiiMareykanka oo Malaayiin doolar iyo dib u dejin u balan qaaday qofkii...

Mareykanka oo Malaayiin doolar iyo dib u dejin u balan qaaday qofkii keena xogta maaliyadeed ee Daacich

Mareykanka oo Malaayiin doolar iyo dib u dejin u balan qaaday qofkii keena xogta maaliyadeed ee Daacich.

Dowlada Mareykanka oo mar kale baahisay balan qaad lacageed ay siineyso cid kasta oo xog ka keenta habka dhaqaalaha uu ku soo galo kooxda Daacish gaar ahaan qeybtooda Somalia ka dagaalanta ee uu hogaamiyo Sh.C/qaadir Muumin.

Balan qaadka cusub ee Mareykanka ka soo baxay ayaa ah inay 10 milyan doolar iyo dib u dejin isugu dari doonaan qofkii keena xogta maaliyadeed ee Daacish-ta Somalia.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa shaacisay in Daacish-ta Somalia ay dhaqaalaha ku helaan qaabab kala duwan sida lacagta baada ah ee ay qaadaan, afduub,lacag dhaqista iyo ka gancsiga hubka iyo kaluumaysiga sharci darrada ah a.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka waxay sidoo kale sheegtay in habka dhaqaalaha ay Daacish ku hesho uu ka mid yahay xawilaadaha mobayllada ,nidaamka cryptocurrency-ga iyo lacagaha caddaanka ah.

Si kastaba lacagtaan loo balan qaaday in la siin doono cidii keenta xogta dhaqaale ee Daacish ayaa ku soo aadeysa xili dhawaan Mareykanku xayiraad dhaqaale saaray Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee kooxda Daacish ee Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -