War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africocm ayaa lagu faafiyay magacyada laba Sarkaal oo Alshabaab ka tirsan kuwaasoo oo ay malaayiin Doolar dul dhigeen.

Labada nin oo kala ah Maxamed C/qaadir Maxamed oo loo garan og-yahay (Cikrama) iyo Yaasiin Kirwa ayaa la duldhigay midkiiba sedex milyan Doolar.

Advertisement

Wasaarada arimaha Dibada Mareykanka ayaa 2021 argagaxiso caalami ah waxay u aqoonsatay Maxamed C/qaadir Maxamed (Cikrama) kaasoo ay ku eedeeyeen inuu Alshabaab u qaabilsan yahay dhanka Saadka islamarkaana uu hore u abaabulay weeraro ay shabaabku qaadeen.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Cikrama inuu Alshabaab u qaabilsan yahay dhalinyarada Kenya ka imaaneysa ku soo biiristooda  Alshabaab,uuna yahayba hogaamiyaha dhalinyarada kenya.

Barnaamijka Mareykanku ugu magac daray Abaalmarinta Cadaalada  ayaa $3 milyan u balan qaaday  qofkii keena xogta C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Dhanka kale waxaa isna 3 milyan la dul dhigay Yaasiin Kirwa oo ku eedeysan inuu Alshabaab u qaabilsan yahay dhanka Puntland.

Yaasiin waxaa isna lagu eedeeyay inuu  abaabulay weeraro Soomaaliya ay ka fuliyeen Alshabaab.

Cikrama iyo yaasiin labadaba waxaa laga xanibay dhaq dhaqaaqyadoda dhanka socdaalka iyo dhaqaalaha si loo cunaqabateeyo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleMaxkamada Gobolka Banaadir oo loo gudbiyay Dacwad ka dhan ah masuuliyiin Dowladeed oo hor leh
Next articleDowlada Kenya oo shaacisay inay Alshabaab badan ku laayeen howlgal laga sameeyay Magaalada Gaarisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here