Waxaa socda xiligan fadhi ay leeyihiin Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe kaasoo looga doodayo in UN-ku ku qasbo Yuhuuda xabad joojin bini’aadantinimo oo laga hirgeliyo Magaalada Gaza.

Mareykanka ayaa mar kale diiday xabad joojinta Gaza iyadoo weerarrada Israel ay ku dileen 350 qof maalin gudaheed

Advertisement

Xili dood ay u socoto 15-ka dal ee Golaha Amaanka xubnaja a ah ayaa hadana mareykanku wuxuu isticmaalayaa awoodiisa diidmada qayaxan iyagoo mar marsiyo wada.

Shirka hada loo fadhiyo waxaa lagu wadaa in loo codeeyo qaraaarkaan xabad joojinta xili Mareykankuna u diyaarsan yahay inuu isticmaalo awoodiisa diidmada qayaxan.

Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka hor codeynta la filayo, iyadoo dalalku ay ay wadaan cadaadid ku aadan xabbad-joojin laga sameeyo Gaza, xili ay weli sii socoto diidmada  qayaxan ee Maraykanka.

Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in Maraykanku “uusan siinin waqti adag Israa’iil” si ay u soo afjarto howlgallada milatari ee ka socda go’doominta.

Dhanka kale waxaa joogto u socota dhibaatada lagu hayo shacabka reer Gaza, Hay’adda Bisha Cas ee Falastiin ayaa sheegtay in tobaneeyo qof ay ku dhinteen weerarrada Israel ay ku qaaday guri u dhow isbitaal ku yaalla Khan Younis.

Wasaaradda caafimaadka Falastiin  ayaa sheegtay in ugu yaraan lix falastiiniyiin ah ay ku dhinteen qaar badana ay ku dhaawacmeen duqeymo ay Israa’iil ka fulisay Daanta Galbeed ee la haysto.

Ugu yaraan 17,487 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar. Israa’iil.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM


Previous articleYuhuuda maxaa ka raacay howlgal ay rabeen inay Maxabiis ku soo furtaan
Next articleGudoomiye xigeenkii Xamarweyne oo Alshabaabnimo loo heysto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here