Dowlada Mareykanka oo war kale ka soo saartay damaca Itoobiya ee ku xad-gudubka madax banaanida Soomaaliya ayaa sheegtay inay tahay Itoohiya inay ilaaliso madax banaannida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Shirka Madaxda IGAD ayay sidoo kale soo dhaweysay Dowladda Maraykanka kaasoo 18-ka Bishaan lagu dhawaaqay in uu ka dhacayo dalka Uganda  isla markaana looga hadlayo xad gudubka Ethiopia.

Advertisement

Shirkaan waxaa ku baaqay oo qaban qaabadeeda wada Madaxweynaha Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha Ururka IGAD.

Shirkaan ayaa qorshuhu yahay in  looga hadlo Damaca Gurracan ee Ethiopia iyo jawaabta ay ka bixisay Soomaaliya, wuxuuna daba socdaa baaqii Soomaaliya ee ahaa in Wadamada IGAD ay kulan ka yeeshaan talaabada Itoobiya   ee kasoo horjeeda shuruucda caalamiga.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

Previous articleNin Maseyr dartiis ugu dilay Xaaskiisa Gobolka Hiiraan
Next articleDAAWO: Qiso Xarar dheere ku dhex-martay Gen.Biixi iyo Taliye Suul-nuug Xiligii Farmaajo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here