HomeWarkiiMareykanka oo maraakiib dagaal oo hor leh u direy Xeebaha Dalka Venezuela.

Mareykanka oo maraakiib dagaal oo hor leh u direy Xeebaha Dalka Venezuela.

(FILES) The USS Gerald R. Ford, the world's largest aircraft carrier, seen in the North Sea during NATO Neptune Strike 2025 exercise on September 24, 2025 in the North Sea.Mareykanka ayaa maraakiib dagaal oo hor leh wuxuu u direy Xeebaha Dalka Venezuela taasoo sare u qaadeysa joogitaankooda militari ee gobolka iyadoo la hadal hayo inuu jiro dadaal la doonayo in lagu afgambiyo dowladda Venezuela.

Afhayeen u hadlay militariga Mareykanka ayaa Jimcihii sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu amar ku bixiyay in USS Gerald Ford iyo shan ka mid ah kuwa wax burburiya ee la geeyo Latin America.

” Joogitaanka ciidamada Maraykanka ee USSOUTHCOM AOR waxay xoojin doontaa awoodda Maraykanka si ay u ogaadaan, ula socdaan, oo ay u carqaladeeyaan  dhaqdhaqaaqyada wax u dhimaya badbaadada iyo barwaaqada Maraykanka iyo ammaanka Galbeedka Hemisphere,” afhayeenka Pentagon Sean Parnell ayaa ku sheegay barta warbaahinta bulshada.

Laakiin diritaanka Maraakiibta dagaalka ee xanbaara diyaaradaha dagaalka waxay qeyb ka qadan doonaan la dagaallanka ka ganacsiga daroogada, wuxuuna ku soo beegmayaa iyadoo Mareykanku uu qaadayo tallaabo adag .

Maraykanku waxa uu hore u haystay ilaa 6,000 oo badmaaxayaal iyo Marines ah oo ku sugan gobolka oo saaran siddeed markab oo dagaal, hadda waxa ku biiraya USS Gerald Ford iyo shanta wax burburiya ee kooxdooda duqaysa, oo ay la socdaan 4,500 oo dheeraad ah oo shaqaale ah. Markabkan ayaa hadda ku sugan badda Mediterranean-ka, mana cadda goorta uu imaan doono Latin America.

SOURCE ALJAZEERA
XA
FIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -