HomeWarkiiMareykanka oo markiisa ka hadlay wararka sheegaya in la jabsaday Xogta  Nidaamka...

Mareykanka oo markiisa ka hadlay wararka sheegaya in la jabsaday Xogta  Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya.

War ka soo baxay dhanka Mareykanka ayaa looga hadlay warar maalmihii ugu danbeeyay la isla dhex marayay oo sheegaya in kooxo ka tirsan burcada Internetka ay jabsadeen xogta Nidaamka E-Visa ee Dowlada Soomaaliya dhawaan hirgelisay.

Safaarada Mareykanka ee Somalia ayaa si cad u sheegtay in la basaday nidaamka E-Visa ee Dowlada Soomaaliya,taasoo keentay in la xado xogta  dad ka badan 35 kun ruux, si gaar ah xogaha hoose ee dadkii dalbanayay E-Visaha sida aderskooda,sawiradooda iyo email-dooda.

“ilo-wareedyo dhowr ah oo lagu kalsoonaan karo ayaa noo sheegay  in kooxo aanan la gareneyn ay jabsadeen nidaamka e-visa ee Soomaaliya, taasoo suurtagal ka dhigaysa in la soo bandhigo xogta shakhsi ahaaneed ee ugu yaraan 35,000 oo qof, oo ay suurtagal tahay inay kamid yihiin kumanaan muwaadiniin Mareykan ah” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaarada Mareykanka

Talaabada lagu jabsaday xogta E-Visaha wuxuu walaac ku abuurey Soomaalidii soo dalbatay E-Visaha ee xogahooda hoose la helay taasoo keeni karta kala shaki iyo la sii adeegsado E-Visaha.

Dhanka kale Dowlada Somalia wali war rasmi ah kama soo saarin wararkaan sheegaya in xogtooda E-Visaha la jabsaday,iyo inta uu gaarsiisan yahay dhibka adeegaani ka soo gaari karta xogta la helay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -