HomeWarkiiMareykanka oo Milateriga Somalia ugu deeqay qalab Militari oo ay ku jiraan...

Mareykanka oo Milateriga Somalia ugu deeqay qalab Militari oo ay ku jiraan hub culus.

Wasaarada Gaashaandhiga Dalka Mareykanka ayaa xaqiijisay inay Ciidamada Xoogga Dalka Somalia gaarsiiyeen agab Milateri sida hub kala duwan oo ay ku jiraan kuwa culus ,ciidamada la qalabeeyay ayaa la sheegay inay yihiin kuwa ku sugan Gobolka Shabeelaha dhexe.

Warbixinta looga hadlayay hubkaani la siiyay ciidamada Soomaaliya ayaa lagu muujiyay inay qeyb ka tahay iskaashiga labada dal ee dhanka ammaanka si loo wada xaqiijiyo ciribtirka kooxaha ka soo horjeeda dowladda ee khatarta ku ah jiritaanka Dowlada iyo guud ahaan amniga Somalia.

“Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijiyeen in xubnaha argagixisadu aysan meel ku lahayn inay ka dhuuntaan gaarista Ciidanka Qaranka iyo saaxibbadooda Caalamiga ah” ayaa lagu yiri war ay shaacisay wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka

Sidoo kale Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka waxay warkeeda ku sii dartay Waxaan sii wadi doonnaa ka hortagga iyo baabi’inta haraaga argagixisada.

“howlgalada ka dhanka ah argagixisaduna waxay socon doonaan ilaa nabad iyo xasillooni waarta laga xaqiijiyo guud ahaan dalka.” ayaa mar kale  lagu yiri warka Wasaarada Gaashaandhiga Mareykanka

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -