Mareykanka ayaa Dowlada Pakistan u gudbiyay Heshiis lagu soo afjari karo dagaalka Bariga dhexe kuwaasoo qodobeysan waxaana ugu muhiimsan uguma adag qodobka ka hadalaya nuyukleerka Iiran.
Dadka siyaasada taxliilaya ayaa u arka in markaan lagu dhaw yahay in heshiis laga gaaro dagaalka Bariga dhexe ee u dhexeeya Mareykanka iyo Yuhuuda oo isla socda iyo Iiran oo ka soo horjeeda xili laba bil ku dhawaad ay dagaaladu socdeen.
Qodobada heshiiska u Mareykanku aaminsan yahay in dagaalka lagu soo afjari karo islamarkaana uu la wadaagay Pakistan islamarkaana la rabo in Iiran loo gudbiyo waxaa ka mid ah:-
1-Xabad joojin sal adag
2-In Iran joojiso bacriminta ama kordhinta uranium-ka laga sameeyo Nuyukleerka
3-dib u furista isu socodka maraakiibta ee marin-biyoodka Hormuz.
4-Mareykanku inuu qaado cunuqabateynta uu saaray Dekadaha Iiran
Si kastaba Iiran waxaa laga sugayaa inay sida ugu shaqsiyaha badan uga soo jawaabto iyadoo la siiyay fursad 2 maalin ah .
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
