Mareykanka oo Qarka u saaran in uu Albaabada u Laabo Safaaradii uu Ciraaq ku lahaa.

0

Ugu yaraantii Laba Galntaal ayaa ku soo dhacay Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Dalka Ciraaq iyo sida oo Kale Sal dhig militeriga

mareykanka ay deganyihiin oo kuyaala magaalada Baqdaad ee Xaruunta Wadan Ciraaq.

Ciidamada Dalka Ciraaq ayaa waxaa ay weerarkaasi ku eedeyeen Kooxo ay Taageero Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iraan kuwaas oo ay kamid yihiin Alkataaib iyo Xisbullah.

Tan iyo Bishii Octoobar 2019 ayaa waxaa ay wajaheyeen Diblamaasiyiinta Ameerikaan ka ah iyo Ciidamadooda ee Jooga Jamhuuriyadda

Ciraaq, Xaaladd Amni daro oo Xeer kooda uu Sareeyo,ilaa iyo hadda macada Khasaaraha ka dha shey Duqeyntaas.

Dhinaca kale Kooxaxa Al kataaib iyo Xisbullaha ayaa iska fogeeyey Eedda kaga Timid Ciidamada Qalabka Sida ee Ciraaq Taas oo ku

saabsan in ay iyagu msauul ka ahaayeen weeraradii ugu dambeeyey ee lagu Qaaday Xaruumaha ay leedahay waashinton.

Waxaana Dalalka Iran iyo mareykanka ay Xiisadooda Siyaasadeed ay aad isaga soo horjeedo ay si aan Caadi ahayn u Xumaatey

markii militeriga mareykanka ay dileen sarkaal sare oo katirsan Ciidanka Kacaanka Ilaalada Iran kaas oo magaciisu uu ahaa Janaraal Qasim suleymaani.

Waxaan hadda Diblamaasiyiinta iyo Ciidamada mareykanka ee jooga Dalka Ciraaq ay dhibane u yihiin Gantaalo kaga imaaneya Saaxiibada Iran ee jooga Dalkaas.

W/Q Wariye; C/wahaab, Aadan, C/raxman.

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here