WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa soo magacowday Danjire cusub oo si kumeel-gaar ah u sii wadi doona shaqada saafaradda Maraykanka madaama Danjiriihii Mareykanka dhawan xilka laga qaaday islamarkaana loga yeeray Magaalada Washington ee xarunta Dalkaasi.
Safaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday soo magacaabista safiirka cusub ee dalkaasi kaasoo magaciisana lagu sheegay
Mareykanka ayaa u soo magacaabay Safiirka cusub Justin Davis si ay u sii socdaan howlihii diblomaasi ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Mareykanka.
Dowlada Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn Somalia uga taageera dhanka dhaqaalaha siyaasada iyo tababarada ciidamada Xooga Somalia.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM


