WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa lagu shaaciyay in Dowlada Somalia ka laabatay go’aankeedii ay ku xayirtay baasaboorka Dalka Taiwan.
Warkaan waxaa Golaha sanatka Mareykanka ka jeediyay sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo lagu magacaabo Troy Fitrell,wuxuuna sidoo kale muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay talaabada ay qaaday Dowlada Somalia.
“waxaan soo dhaweyneynaa in Dowlada Somalia ay ixtiraanto baasaboorka Dalka Taiwan islamarkaana ka laabato xayiraadii ay saartay baasaboorka Taiwan”ayuu yiri Fitrell
Sarkaalkaan mareykanka u hadlay wuxuu dhanka kale digniin u direy dal kasta Dal kasta oo faragelin ku sameeya Taiwan.
“dalkii isku daya inuu faragelin ku sameeyo Taiwan wuxuu qatar gelinayaa xiriirka uu la leeyahay Mareykanka”ayuu mar kale yiri Fitrell
Talaabadii hore ee xayiraada ee ay qaaday Dowlada Somalia ayaa keentay in la hor istaago safar uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan ku tegi lahaa Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka Somaliland.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM