War ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom loo yaqaan ayay ku sheegteen inay iyagu ka danbeeyaan duqeyntii 13-kii bishaan lagu dilay Nabadoon Cumar Cabdullaahi Cabdi inkastoo magaciisa aysan sheegin balse kaliya ay xuseen in sarkaal Alshabaab ka tirsan ay beegsadeen.
Duqeynta oo ka dhacday duleedka Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayay Mareykanku sheegeen inay ku dileen sarkaal Alshabaa u qaabilsamaa iibinta hubka ,waxay intaasi ku dareen Mareykanku inay howlgalkaasi la kashateen Dowlada Somalia kadibna sidaas Taliska Africom ku fuliyay weerarkasi.
Warkaan Mareykanka ka soo baxay oo u muuqda warbixin aan sax ahayn ayaa waxaa muuqanaya qaladaad dhanka sirdoonka ah madaama Nabadoonku Alshabaab ka tirsaneyn ,xili waliba Maamulka Waqooyio bari oo Nabdoonku ka soo jeedo aad u cambaareeyeen weerarkaasi.
Dowlada Somalia waxaa looga fadhiyaa jawaab cad inay ka bixiso warka Mareykanka iyadoo ay u badan tahay in Dowlada Somalia beenin doonto in Nabadoonka ay iyagu amreen in la dilo oo la bartilmaameedsado,sidoo kale waxaa dhici karta in duqeyntu ka habowday bartilmaameedkeeda.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
