HomeWarkiiMareykanka oo shaaciyay inay qabteen Dorons nooca Shahed oo Iiran ay leedahay...

Mareykanka oo shaaciyay inay qabteen Dorons nooca Shahed oo Iiran ay leedahay , dibna ugu weerareen

War ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ayaa lagu shaaciyay inay qabteen diyaarad aan duuliye lahayn oo ismiidaamin ah nooca Shahed oo Iiran ay leedahay islamarkaana ay baaritaan ku sameeyeen marka la eego waxa ay ka sameysan tahay iyo sida ay u shaqeyso.

Taliyaha Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka, Admiral Brad Cooper oo arintaan ka hadlayay wuxuu sheegay in diyaarada oo ay Ameerika u direen markii ay daraasad ku sameeyeen kadib ay u suuragashay inay dib ugu weerareen bartilmaameedyo dhulka Iiran ah xili ay soo saaristana Made in USA ku qorteen taasoo muujineysa baahida Mareykanku u qabeen Drons-ka Shahed ee Iiran soo saarto.

” waxaan geynay Mareykanka, waan kala furfurnay ,waxaan ogaanay intey  ka kooban tahay ilaa aan ka ogaanay sida ay u shaqeyso, ugu danbeyna magaca Mareykanka ayaan ku dul qorney isla Iiran ayaana dib ugu weerarnay” ayuu yiri Admiral Brad Cooper

Sarkaalkaan Amerikaanka ah wuxuu intaasi ku daray inay bartilmaameed muhiim ah ku weerareen walow aaney Iiran ka hadlin warka Mareykanka ka soo baxay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -