Siyaasi ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shaaciyay ineysan waxba iska badalin siyaasada Mareykanka ee arimaha Somalia islamarkaana ay sideedii tahay.
Warka siyaasigaan ayaa ku soo aadaya xili maalmihii u danbeeyay Sanatar Mareykan ah uu ku cel-celinayay codsi ah in la aqoonado Somaliland.
“Ma jirto wax isbedel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka ee Soomaaliya” ayuu yiri siyaasigaasi sida uu baahiyay Wargeysaka Semafo.
Madaxweyne Ciro oo xalay ka hadlayay Magaalada Bar-bera ayaa muujiyay rajadiisa ah in waqtiisa muda xileedka uu ku guuleysan doono in Somalialnd hesho ictiraaf.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
