WASHINGTON (DAYNIIILE.COM)-Shir jaraa’id uu qabtay xoh-hayaha warfaafnta Mareykanka ayuu kaga hadlay heshiis beeneedkii dhawaan ay kala saxiixdeen Maamulka Somaliland iyo Dowlada Itoobiya wuxuuna sheegay in caqabad uu ku noqon karo dagaalka Dowlada Soomaaliya iyo Atmis ay kula jiraan Kooxda Alshabaab.

Masuulkaan wuxuu sidoo kale sheegay in heshiiskaani oo ka hor imaanaya mabax banaanida dhuleed ee Soomaliya inuu caqabad ku yahay amniga Geeska Afrika,kan Mareykanka iyo waliga guud ahan mandiqada Afrika oo dhan.

Advertisement

Xoh-hayaha warfafnta Mareykanka oo garabkiisa uu taagnaa la taliyaha amniga Mareykanka wuxuu intaasi ku daray inay aad u dhibsadeen warkaas ka soo yeeya Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

“waxaan aad uga walaacsanahay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxay dhibato ku noqon doontaa nabada Mareykanka iyo kan Afrika, waxaan u mareynaa kanaalo dhowr ah  sida Midowga Afrika iyo Igad si walaaca jira hada loo damiyo”ayuu yiri xoh-hayaha warfafnta Mareykanka

Maaha markii ugu horeysay oo Mareykanku ka hadlo balse hore ayay u cadeeyen mowqifkooda ah inuu sharci daro yahay heshiiskaasi.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleWar cusub oo ka soo kordhay maqnaanshihii C/rashiid Janan
Next articleUrurka Jaamacada Carabta oo Maanta shir ka yeelanaya Damaca Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here