HomeWarkiiMareykanka oo sheegay inuu sii wadayo xayiraadda uu saaray Iran muddo aan xad...

Mareykanka oo sheegay inuu sii wadayo xayiraadda uu saaray Iran muddo aan xad lahayn

Madaxweyne-ku-xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sharraxay ujeeddooyinka ugu muhiimsan ee Washington ee ku aaddan khilaafka Iran, kuwaas oo kala ah: ilaalinta xasilloonida qiimaha tamarta ee dadka Mareykanka, ka hortagga in Tehran ay hesho hubka nukliyeerka, iyo xoojinta mowqifka Mareykanka.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi karo xayiraadda uu saaray Iran “muddo aan xad lahayn”.

Ciidamada Iran ayaa beeniyay sheegashada Mareykanka ee ah in dhaqdhaqaaqa maraakiibta uu si caadi ah uga socdo marinka Hormuz, iyagoo ku adkaysanaya in aanu jirin markab halkaas mara iyada oo aan la helin ogolaanshahooda.

Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent ayaa sheegay in Mareykanku uu Iran ku soo rogi doono tallaabooyin dhaqaale oo “aan hore loo arag”, iyadoo la hiigsanayo in Tehran la go’doomiyo.

SOURCE ALJAZEERA

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -