Mareykanka ayaa sii wadi doona inuu taageero Afghanistan ka dib marka uu kala baxo ciidamdiisa. Waxaa sidaasi xaqiijiyay madaxweyne Biden.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ku adkeystay inay tahay waqtigii ugu haboonaa ee ciidammada Mareykanka laga soo saari lahaa Afghanistan – labaatan sannadood ka dib markii ugu horreysay ee ay galeen.

Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Brussels ku sheegay in xoogagga Mareykanka ay isku dubaridi doonaan bixitaankooda.

Sidoo kale Wuxuu sheegay inay ku guuleysteen yoolalkii ay dejiyeen. Talaadadii, saraakiisha Aqalka Cad ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka bixi doonaan Afghanistan 11-ka bisha Sebtember waxaana la sugayaa in Madaxweyne Biden uu ku dhawaaqo go’aankaasi.
BBC
Office Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here