Mareykanka ayaa ku booriyay ciidamada Suuriya inay joojiyaan duulaanka ay ka sameynayaan dhulka Kurdiyiinta ee waqooyiga Suuriya, xilli ay isku dhacyo kula jiraan ciidamada Kurdiyiinta ee ku sugan saldhigyada istiraatiijiga ah iyo goobaha saliidda ee webiga Furaat.
Horumarka degdega ah ee ciidamada Suuriya Sabtidii lasoo dhaafay ayaa yimid kadib markii xoogaga Kurdiyiinta ee SDF ay isku raaceen in ay dib ugu gurtaan bariga wabiga, kadib dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Xalab iyo deegaanada bari ee magaalada oo la hakiyay qorshihii la doonayay in ciidamada SDF lagu daro gobolka Siiriya.
Brad Cooper, oo madax u ah Taliska Dhexe ee Militariga Mareykanka (CENTCOM), ayaa ku qoray X in ciidamada Suuriya ay “joojiyaan wax kasta oo weerar ah oo ay ka geysanayaan meelaha” u dhaxeeya magaalada Xalab iyo magaalada Tabqa, oo qiyaastii 160km (100 mayl) ka xigta dhanka bari ee gobolka Raqqa.
Sabtidii, Taliska Ciidanka Suuriya ayaa Aljazeera Carabiga u sheegay in Milatarigu ay galeen Tabqa, oo ah magaalo istiraatiiji ah oo u dhaw biyo-xireen iyo saldhig ciidamada cirka ah. SDF ayaa beenisay sheegashadaas, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay “wali ku sugan yihiin goobahooda” halkaas.
Wakaalada wararka ee dalka suuriya ee SANA ayaa goor danbe sheegtay in ciidamada dowlada ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada.
