Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeeyay in ka badan 80 xarumood oo ku kala yaal dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan xili ay hore u sii sheegeen inay aargudasho sameyn doonaan.
Meelaha duqeymaha ay ku dhaceen waxay isugu jiraan fariisimo ay leeyihiin dagaal-yahanada ay taageerto Dowlada Iiraan ee ka kala dhisan Dalalka Ciraaq iyo Suuriya iyo sidoo kale xarunmo ay leeyihiin ciidamada Iiraan laftooda.
Weeraro axadii lagu dilay sedex askari oo mareykan ah xadka Dalka Urudun ayay aar gudahsho u ahaayeen weeraradaan Mareykanku fuliyay saacadihii ugu danbeeyay.
Goobaha sida gaarka ah ay Mareykanku u bartilmaameedsadeen ayay ku sheegeen xarumaha keydka hubka kooxaha ay Iiraan taageerto sida keydka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo keydka rasaasta iyo gantaalada.
Madaxweynaha Mareykanka oo durba ka hadlay duqeymahaan ayaa ku sii hanjabay inay  jiraan weeraro kale oo aar gudasho ah  inay qaadayaan.
Si kastabba ma cada khasaaraha ka dhashay weeraradaan inta uu gaarsiisan yahay xili dhanka Dowlada Iiraana aysan wali ka hadlin.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Previous articleSoomaaliya ma waxaa ku jira kayd shidaal oo ka badan kan Imaaraatka Carabta?
Next articleHowlgal Alshabaab looga saaray deegaano hor leh Gobolka Mudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here