HomeWarkiiMareykanka oo xabsiga dhigay Somali ku eedeysan inuu Daacish u soo socday

Mareykanka oo xabsiga dhigay Somali ku eedeysan inuu Daacish u soo socday

MINNESOTA (DAYNIILE.COM)-Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo C/sataar Axmed Xasan, oo 23-jir ah ayaa lagu xirey Dalka Mareykanka markii ay ku eedeeyeen inuu u soo safrayay Somalia si u ugu biiro dagaalamayaasha Daacish.

Hay’adaha amaanka Mareykanka ayaa qabtay wiilkaan Soomaaliga ah, xabsiga ayayna dhigeen, waxaana kiis dacwad ah ka gudbiyay xeer ilaalinta Minnesota oo ah halka Soomaalida ugu badan ay ku nool yihiin.

War horu dhac ah oo ka soo baxay Hay’adaha amaanka Mareykanka ayay ku sheegeen in C/sataar Axmed Xasan ay ogaadeen nuu baraha bulshada ku amaanay ururka ISIS, labo jeerna uu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro, Daacish sida ay warka u dhigeen.

Sidoo kale eedaha loo jeediyay wiilkaan ayaa ah inuu muujiyay sida uu u daneynayo inuu waxyeeleeyo dadka iyo Dalka Mareykanka ee uu ku nool yahay.

” Minnesota kama ogolin inay noqoto hoy ama meel aamin ah oo loo aado argagixiso “ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha ku-xigeenka Mareykanka, Joe Thompson

Wararka waxay intaasi ku darayaan wiilkaan Soomaaliga durba dacwo lagu soo oogay islamarkaana uu qirtay eedaha loo jeediyay,waxaana lagu wadaa in xukun lagu qaadi doono maalmaha soo socda

Wakiilka Gaarka ah ee FBI ee xafiiska Minnesota, Alvin M. Winston Sr oo isna ka hadlay eedaha loo jeediyay wiilkaan Soomaaliga ah ayaa xusay in C/sataar uu bilowgii sanadkaan soo geliyay baraha bulshada muuqaalo muujinaya isagoo heysta calanka lagu yaqaano kooxaha Islaamiyiinta ah sida ISIS oo kale ee towxiidka uu ku qoran yahay.
Sidoo kale Hay’adaha danbi baarista Mareykanka ayaa Moobilka C/satar ka helay fariimo ay qo kale is dhaasanayeen iyo faylal PDF ah oo ku qornaa luuqadaha Faransiis iyo Carabiga, kuwaas oo tilmaamaya sida loo sameeyo qaraxyada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -