HomeWarkiiMareykanka, Qadar, Faransiiska iyo waxa ay dunida ka tiri weerarki Israa’iil ee...

Mareykanka, Qadar, Faransiiska iyo waxa ay dunida ka tiri weerarki Israa’iil ee Qaza

XIGASHO BBC SOMALI

Israeli strike targets Nasser Hospital in southern Gaza; dead and injured reported

Si guud, cambaareyn caalami ah ayaa ka dhalatay labo werar oo ay Isniinti shalay ahayd Israa’iil ku qaaday cisbitaalka Nasser ku yaala magaalada Jhan Younis ee Gaza, kaas oo lagu dilay dad gaaraya 20 qof oo 5 kamid ah ay ahaayeen suxufiyiin.

Donald Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu yiri:

“Goorma ayay waxaan dhaceen? Ma aanan ogeyn. Kumana faraxsani. Waa in aan soo afjarnaa riyadan oo dhan”.

Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa isna sheegay inaan tani loo dulqaadan karin.

“Wariyaasha iyo dadka rayidka waa qasab in la ilaaliyo ayuu yiri.

Qadar

“War qoraal ah oo ay soo saartay Isniintii, Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay ku nuuxnuuxsatay in beegsiga ay ciidamada ku hayaan saxafiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka iyo kuwa caafimaadka ay u baahan tahay tallaabo caalami ah oo degdeg ah oo go’aan qaadasho ah si loo ilaaliyo dadka rayidka ah isla markaana tallaabo adag laga qaado cidi ka dambeysay dilalkan”.

Qaramada Midoobay

Madaxa Qaramada Midoobay (Antonio Guterres) ayaa ku tilmaamay dhacdadaas mid argagax leh; Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay inaan tani loo dulqaadan karin

Netanyahu.

Dhanka kale, raa’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa muujiyay sida ay uga shaleeyeen weeraradaas.

XIGASHO BBC SOMALI

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -