Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay aqoonsiga reer Yurub ee Dalka Falastiin wuxuuna sheegay in talaabadaasi uu u arko mid lagu abaal marinayo Dagaal yahanada Xamaas sida ay cadeysay Af-hayeenka Aqalka Cad Karoline Leavitt.
Sidoo kale Haweeneyda Af-hayeenka ka ah Aalka Cad waxay wariyeyaasha u sheegtay in Trump uusan ku raacsanayn go’aanka ay reer Yurub ku aqoonsadeen Dowladnimada reer Falastiin.
“Wuxuu dareensan yahay in tani aysan waxba ka tarayn sii deysmada la haystayaasha Israa’iil taas oo ah hadafka koowaad ee hadda Gaza, ma jiraan wax soo afjaraya colaaddan” ayay tiri Leavitt.
Warka Mareykanka ka soo baxay ayaa ku soo aadaya xili awalbna la ogaa in Mareykanku si toos ah ula safan yahay Israa’iil xitaa Shirara Qaramada Midoobe Mareykanku wuxuu si cad ugu difaacaa wax kale iska daaye inaan xabad joojin laga sameyn dagaalka Qaza taa badaLkeedana waxay rabaan in Israa’iil xoog ku qabsato guud ahaan dhulka Qaza.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
