Mark Zuckerberg Milkiilaha shirkada Facebook ayaa habeenimadii xalay khasaaray in ku dhow 7 Bilyan oo Doollar saacado yar gudahood kadib markii cillad ku timid Baraha bulsho ee Facebook, Instagram, Massenger iyo Whatsapp.

Bilyoneerkan oo 37 jir ah iskana leh barahan Bulsho ayaa ku sigtay in uu ka baxo Liiska shanta Nin ee ugu Hodansan Caalamka, waxa uuna ka hoos maray Bilyoneerka Bill Gates oo markii hore kaalinta 5aad ku jiray.

Waa kuwa hoos ku qoran Shanta Qof ee ugu Hantida Badan Dunida.

1.Jeff Bezos.
2.Elon Musk.
3.Bernard Arnault.
4.Bill Gates.
5.Mark Zuckerberg.

Sidoo kale Hal saac oo keliya ayaa dunidu khasaartay in ka badan $160milyan, intay hawada ka maqnaayeen Baraha bulsho ee Facebook, Instagram, Massenger iyo Whatsapp.

Saaxiibada qaarkood ayaa is weydiin kara lacagtaas dadka dunida ku kala nool ee barahaas bulsho isticmaala ay khasaareen, ogsoonow Dadkaasi maskaxdooda iyo lacagtooda sidoo kale waqtigooda ayay ku bixiyaan si ay lacag uga sameeyaan.

Halka Annagana ka soomaali ahaan badankeen Lacagteena aynu ku bixino si waqtiga aan isugu dhaafino shillin haba yaraatee kama faa’iidno!!!.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here