BANDAR-BEYLA (DAYNIILE. COM)-Kooxaha loo yaqaan Burcad badeeda Soomaalida ayaa la soo warinayaa inay Markab Ganacsi ku afduubteen Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Xeebaha Gobolka Bari ee Puntland.
Markabka waxaa laga leeyahay Dalka Pakistan waxaana saarnaa 11 shaqaale oo u kala dhaahay Dalalka Pakistan iyo India waxayna ku jiraan gacanta burcad badeeda.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in markabka lagu hayo halkii afduubku ka dhacay oo ah xeebaha Degmada Bandarbeyla ee Gobolka Bari-Puntland.
Markabkaan oo siday shidaal ayaa ku sii jeeday Dekada Garacad waxaana leh badeecada Ganacsato Soomaaliyeed, dadka Deegaan Xeebeedka bandarbeyla ayaa raja ka leh inay burcad badeeda ku qanciyaan inay sii daayaan Markabka madaama uu u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
