HomeWarkiiMarkabka qodista shidaalka ee Turkiga oo soo gaaray biyaha Somalia

Markabka qodista shidaalka ee Turkiga oo soo gaaray biyaha Somalia

Sida goor dhaw lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Waa cusub ayaa u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka qodista shidaalka ee Turkiga ee Çağrı Bey uu soo gaaray biyaha dalkeena si uu u bilaabo qodistii ugu horreysay ee shidaalka badda Soomaaliya (offshore).
Maalinta Jimcaha 10-ka April ayaa lagu wadaa in uu Dekadda Muqdisho ku soo xirto.
Soo saarista shidaalka Soomaaliya waxay furaysaa albaab weyn oo lagu kobcinayo kheyraadka dabiiciga ah ee dalkeenna, iyadoo noqonaysa tiir muhiim u ah dhismaha dhaqaale xooggan, shaqo abuur, iyo nolol ka wanaagsan tan maanta jirta.
Tani waa guul taariikhi ah oo xambaarsan rajo cusub – rajo ku wajahan horumar, isku filnaansho, iyo mustaqbal ifaya oo ay wadaagaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed.No photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -