HomeWarkiiMarkabkii hubka siday oo Dekada Boosaaso ku soo xirtay

Markabkii hubka siday oo Dekada Boosaaso ku soo xirtay

BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Markabkii ay shalay qabteen ciidamada Maamulka Puntland ee la sheegay inuu hub iyo gaadiid dagaal u siday Dowlada Somalia ayaa soo gaaray Dekada Magaalada Boosaaso halkaasoo ay ku ilaalinayaan ciidamada darwaaiishta Puntland.

Markabkaan oo lagu magacaabo Sea World ayaa shalay lagu qabtay xeebaha degmada Bareeda ee gobolka Raas-casayr ee dhulka maamulka Puntland, waxaana caawa si weyn loogu waardiyeynayaa Dekada Boosaaso halkaasoo lagu wado in masuuliyiin reer Puntland ah ay soo gaaraan si ay booqdaan markabka una qiimeeyaan hubka uu sido.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa wabaahinta u sheegay in markabkaani dabeylo badan oo jirey ay saameyn ku yeesheen kadibna uu xeebaha Puntland gabaad u soo raadsaday gaar ahaan xeebta Bareeda.

Wasiir Caydiid wuxuu intaasi ku daray inay ka maamul ahaan ku lagu samayn doono baaritaan dheeraad ah kadibna wixii natiijo ah u soo gudbin doonaan shacabka iyo warbaahinta.

Dowlada Turkiga oo hubkaani la sheegay inuu ka yimid iyo Dowlada Somalia oo iyagana la sheegay inuu ku soo wajahnaa midkoodna ilaa hada war kama soo saarin arinta markabka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

May be an image of boatMay be an image of boatNo photo description available.No photo description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -