Warar soo baxaya ayaa sheegaya in maanta oo ah kala barka bisha Febraayo uu Dalka Turkey ka soo dhaqaaqayo Markabkii qodista iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya madaama sanadkii hore la soo gabagabeeyay baristii iyadoo la helay macdan iyo shidaal dalkeeena dhex ceegaaga kaliya hada howlga;ku yahay soo saarista oo kaliya.
Markabkaani shidaalka qodi doona wuxuu ka soo baxayaa Dekadda Mersin oo ah Dekadda 2aad ee ugu weyn Dalka Turkiga waxaana lagu wadaa in madaxda Turkiga iyo masuuliyiin Soomaaliyeed ay soo sagootitaan isla maanta.
Markabkaan oo lagu magacaabo Drilling Ship, Cagri Bey (IMO 9705457) waxaa la qiyaasayaa inuu Somalia ku soo gaari karo mudo 30 maalmood ah sida caadiga ah marka la eego masaafada dhul ee noo dhexeysa Turkiga.
Dhanka kale soo dhaqaajinta markabkaan shidaal soo saarka ayaa ku soo aadaya xili asbuucii hore Muqdisho ay soo gaareen maraakiib dagaal oo Turkey laga leeyahay kuwaasoo loo maleynayo inay amniga markabkaan ka qeybqadaan doonaan walow hub badana ay soo gaarsiiyeen Muqdisho kuwaasoo qaarna ciidamada Turkida ay keensadeen halka qaarkoodna Dowlada Somalia la siiyay.
XAFIISKA WARARAKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
