“Markii aysan waxba gacan kuugu jirin saaxiibadaana kooxi ay disho aadan waxba ka qaban karin,sida wasiir Dubble ayaa gacamaha leysi saartaa, sida Rooblana waxba kuma dhaamo Dubbow ayaa qalbi naxsan laga yiraahdaa”

Mid, Caam ahaan waan hubaa, waana in dowladnimo aysan inoogu dhismeyn sidaan. Wax nagu cussub maahan ee horey ayeynu u soo aragnay tanina waxba middaas aragti ahaan kama duwana bal waa ka xoog yar tahey kun jeer middii ina Siyad ee la tuurey……..

Muwaadiniin Somaliyeed oo lagu hor’kufay hogaamintooda, in dil loogu daro, dowladnimo ku jirta ma jirto burbur iyo halaag lugta la saarey mooyee….

Abdiaziiz Africa muwaadin buu ahaa cid sheegatay dilkiisa iyo cid aan sheeganba-waxaa xaqiiq ah in uu xaq u lee yahey dilkiisa in la baaro laakinse su’aashu waxaa weeye yaa baarin makii dilay?????

Geerida Abdiaziiz si aan caadi aheyn ayey ii taabatay. Sababtu ma ahan ineynu isku reer nahey laakinse waxaa weeye ineynu aheyn saaxiibo aan kulmin abid laakinse dad badan iskaga kalsoonaa macluumaad badan’na isweydaarsan jirey. Abdiaziiz Africa, waxaa uu masuuliyaddeeda lahaa baajinta ilaa iyo sadex safar oo aan ku tagi lahaa Xamar, isagoo si dhab ah iigu yirih “meeshaan nin mag laga bixinayo xittaa iskuma imaado ee saaxiibow iska joog Mareykan isagaa amni iyo xornimo ku heysataaye” oo micnaheeda aan u fahmay in cid cid weydiisa aysan jirin haddii lagu dilo…

Intii aan mucaarad iyo muxaafidba ku ahaa dowlado dhowr ah oo dalkeena soo marey, Abdi Aziiz Africa waxaa uu ka mid ilaa iyo sadex qof oo baraha bulshada aynu rafiiq ku noqonay middaas oo abuurtay saaxiibtinimo iyo kalsooni aanan garan karin si aan ku micneeyo. Nasiib darro, sadexdaas ruuxba waa dhinteen waxeyna kala ahaayeen: Abdirahman Xoosh jibriil, Abdirahman Omar Osman Yariisow iyo Abdiaziz Africa….. intuba waa ay dhinteen wax dilay iyo cid baartay midna war uma hayno, nasiib darro

Su’aasha qalbi kasta oo wax gal ah qalbigiisa ka soo maaxaneysa waxaa weeye dowladnimo aan dil ku adkaan miyeysan nagu soo dhici karin aynuna tijaabin karin? waa yaab iyo fajac eh???

Caam Caam

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here