Garowe  (dayniiile.com)-Siyaasada Maamulka Puntland ayaa wax ka yar 24 saac waxaa ku yimid is badalo waa weyn kadib markii xalay uu tanaasulay Saciid Dani.

Mucaaradka oo aan wali hadlin ayaa saaka waxaa dhan kale kubada u rogay xildhibaanada kuwaasoo iskugu codeeyay dhexdooda mudo kororsi hal sano ah markii ay ku mar marsiyoodeen soo jeedin ka timid Beesha Dhulbahante.

Advertisement

Hadaba waxaa macquul ah in Markii ugu horeysay Dani iyo Mucaaradkiisa ay wada qaadacaaan mudo kororsiga Baarlamaanka Puntland taasoo hadana ciyarta dhan kale u rogi karta.

Siyaasada Puntland oo xalay uu war farxadleh ka soo yeeray Madaxweyne Dani ayaa waxaa hadana shaki keenay talaabada ay qaadeen baarlamaanka oo hadii aan loo dhaafin keeni karta is qabqabsi dhanka siyaasada ah.

Haddiiba ay dhacdo inay saf ka soo wada jeestaan Dallada siyaasiyiinta Mucaaradka iyo Madaxweyne Dani xaaladu sidii hore way ka adkaan doontaa,balse hadii mucaaradku taageero mudo kororsiga Baarlamaanka xaalku waa yara degi doonaa.

Inkastoo warar goor dhaw aan helnay ay sheegayaan in mucaaradka xoogiisa ayba wataan ciyaarta baarlamaanka ka socota ayna isku xiran yihiin reer Aaran Jaan,Madaxweyne xigeenka iyo Gudoonka Baarlamaanka Puntland.

Nuuca Doorashada waa laga soo gudbay hada waxa bilowday dagaalka ah in xildhibaanadii hore ha shaqeeyaan oo mudo kororsi baa loo sameeyay iyo mayee kuwo cusub ha howlgalaan.

Saciid Dani oo musharax ah wuxuu rabaa in xildhibaano cusub soo shaqa helaan suu uga kaluumeysto madaama kuwii hore ka hor yimaadeen siyaasadiisa halka reer aaran Jaan doonayaan kuwii hore ileen iyagaa xukunka doonaya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Mucaaradka Puntland oo Madaxweyne Deni Ku Eedeeyay Fashilinta Wadahadalladii Socday – Goobjoog

Previous articleXildhibaanada Puntland oo iskugu codeeyay mudo kororsi sanad ah+SAWIRRO
Next articleRaashin Mucaawino ah oo loo direy Magaalada Mahadaay+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here