Gaadiid shixnado ganacsi u sida bulshada degmada Xuddur ee gobolka Bakool ayaa maanta markii ugu horeysay muddo lix bilood ah gaaray degmadaas oo muddooyinkanku jirtay go’doon ay geliyeen xoogaga Al-Shabaab.

Talaabadan ayaa timid ka dib howlgalo waddo furis ah oo ciidamada dowladu ka sameeyeen waddooyinka soo gala magaaladaas.

Dadweyne fara badan oo ku faraxsanaa arrintan ayaa iskugu soo baxay waddooyinka iyagoo ku faraxsan in gaadiid sida shixnado raashin ah ay soo galaan magaalada lix bilood oo go’doon ah ka dib.

Qiimaha raashiinka daruuriga ah ee magaalada Xudur ayaa gaaray heerkii ugu sareeyey bilihii la soo dhaafay ka dib markii uu saameyn ku yeeshay go’doominta la saaray.

Magaalada Xuddur iyo degmooyin kale oo gobolkaas ka tirsan ayaa waxaa go’doomiyey Al-shabaab oo gubayay gaadiidka raashinka u wada degmooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here