Koox burcad ah oon heebtooda la aqoonsan ayaa dhac hantiyadeed iyo bur burin u geestay masjidka lagu magacaabo Towfiiq, ee kuyaalla Koonfurta magaalada Minneapolis gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Ciidamada booliiska magaalada Minneapolis ayaa baaraya dhaca burcada ka geesteen masaajidka, waxaana muuqaalo ay duubtay kaamirada qarsoon ee CCTV laga arkay burcada oo bur bur xoogan u geestay qeybo kamid ah masjidka.

Maamulka Masjidka ayaa sheegay in kooxda burcada ah qaateen lacag gaareysa 50-kun oo dollar oo loo aruuriyay maalmihii lasoo dhaafay dadka ay saameeyeen abaaraha ee ku nool gobolka Oromada ee Itoobiya.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa si kulul u cambaareeyay dhaca iyo dhibaatada kale ee masjidka Towfiiq loo geestay, waxa uuna cadeeyay maamulkiisa iyo bulshada gobolka taageersan yihiin muslimiinta gobolka kunool.

”Toddobaadkan, waxaa si xun loo burburiyay masjidka Tawfiiq ee Minneapolis, waxaana laga xaday kumanaan doolar oo masjidka loogu deeqay, shacabka waxay garab taagan yihiin isla markaana ka go’an inay taageeraan walaalaheen Muslimiinta ah, ma aqbaleyno naceyb’ ayuu yiri Tim Walz.

Gobolka Minnesota waxaa ku badan weerarada iyo dhaca loo geesto muslimiinta kunool dalka Mareykanka, waxaana arrintan walaac xooggan ka muujiyay bulshada muslimiinta ah ee kunool gobolkaasi.

Office Nairoibi Kenya

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here