Dalka Algeria waxaa shalay ahayd xariga laga jaray Masaajid-ka ugu weyn Afrika sidoo kalana ah masaajidka 3-aad ee ugu weyn dunida oo dhan,Masuuliyiinta Dalka Algeria ayaa munaasabad xarig jar ah u sameeyeen.

Masaajidkaan wuxuu ku yaalaa xeebta Magaalada Algers gaar ahaan xeebta Mediterranean-ka, wuxuu dhismihiisa soo bilowday 2010-kii iyadoo uu wajahay  sannado badan oo carqalado siyaasadeed ah iyo dib u dhac ka yimid kharash fara badan oo ku baxay.

Advertisement

Masaajidkaan halkii mar waxaa ku tukan kara 120-kun ruux,sidoo kale minaarada waxaa la sheegay inay tahay 265-Mitir sida ay sheegtay idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Laba Masaajid oo kacbada ku yaal ayaa la sheegay kaliya inay ka weyn yihiin dunida oo dhan marka laga soo tagana waa masaajidka ku soo xiga ee ugu weyn dunida oo dhan.

Naqshada lagu dhisay Masaajidkaan waa mida Carbeed iyo tan waqooyiga Afrika oo ka turjumaya dhaqanka dalka Algeria,  waxaana dhishay Shirkad Shiinees ah, waxaa qarash ahaan ku baxay 898 Milyan Doolar.

Dhanka kale Masaajidkaan korkiisa waxaa loo yeelay barxad ay ku soo degi karaan diyaaradaha Heryla-kobtariska,sidoo kale masaajidka wuxuu leeyahay maktabad qaada 1 milyan oo kutub ama buugaag.

Inkastoo Maanta xariga laga jaray hadana waxaa la sheegay in Ramadaanka oo maalmo ka harsan toos loogu bilaabi doono tukashada Masaajidkaani.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo kulan sagootin ah la qaatay safiirka Turkiga ee Somalia
Next articleDil kale oo naxdintiisa leh oo maanta ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here