Wasiirka arimaha dibadda ee Masar, Sameh Hassan Shoukry ayaa cadeeyay inay si buuxda u garab istaagayaan Soomaliya xili dhanka kalana uu digniin u jeediyay Dowlada Itoobiya.

Wasiirka wuxuu si toos ah ugu eedeeyay Dowlada Itoobiya inay noqotay ila ay ka soo bulaasho xasilooni darrada ka jirta gobolka geeska Afrika

Advertisement

“Dowlada Itoobiya cawaaqib xumo ayay kala kulmi doontaa xadgudubka ay ku sameyneyso shuruucda caalimga ah ”ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada Masar kadib shirkii ay yeesheen dhawaan Jamacada Carabta.

Wasiirka arimaha dibada Masar wuxuu tilmaamay inay si muuqata u taageerayaan islamarkaan ay garabkooda tagan yihiin Dowlada Somalia.

“xornimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya Dowlada Masar ayaa u garab taagan”ayuu mar kale yiri wasiirka arimaha dibada Masar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Sameh

Previous articleWaa kuma ergayga Midowga Afrika ay u xil saartay inuu dhexdhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya, maxaase hor yaalla
Next articleWarbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here