HomeWarkiiMashruuc maamul Goboleeydayada lagu horumarinayo oo maanta Muqdisho laga daahfurey

Mashruuc maamul Goboleeydayada lagu horumarinayo oo maanta Muqdisho laga daahfurey

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ka daahfurtay Mashruuca Bulsho oo loogu talagalay isku xirka dowladda iyo shacabka.

Wasiirka arimaha gudaha Cali Xoosh oo soo diyaariyay Mashruucaan ayaa sheegay  in Mashruucaani wax weyn ka tari doono daadejinta dowladnimada, islamarkaana uu ka jawaabi doono baahiyaha bulshada.

Wasiirka Maaliyadda Somalia Biixi Imaan Cige oo ka mid ahaa madaxdii ka hadashay mashruucaan ayaa sheegay in loogu talo galay in lagu balaariyo awooda maamul ee Dowlad Goboleedyada Somalia,wasiirka wuxuu sheegay in Mashruucaani socon doono ilaa 10 sano islamarkaana wajiga koowaad ay ku bixi doonto 35 Milyan.

“Mashruuca Bulsho waxaa uu gacan ka geysanayaa in dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobollada, degmooyinka, iyo tuulooyinka ay si dhow iskugu xirmaan.” ayuu yiri Biixi Imaan Cige .

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -