HomeWarkiiMasuul Baarlamaanka ka tirsan oo cadeeyay in Maamulka Waqooyi Bari uu ku...

Masuul Baarlamaanka ka tirsan oo cadeeyay in Maamulka Waqooyi Bari uu ku jiro Maamulada qaybta ka ah misaaniyadda 2026-ka.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyahii Guddida Maaliyadda iyo misaaniyadda Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Qawdhan ayaa beeniyay war dhawaan uu warbaahinta siiyay mid ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliya ee ka soo jeeda dhulka Waqooyi Bari kaasoo ahaa in Maamulkooda uusan qeyb ka ahayn maamulada ay Dowladu siiso kabka dhaqaale halka maamulada kale oo dhan la siiyo.

Xildhibaan Cabdi Qawdhan wuxuu sheegay in maamulka waqooyi Bari uu ku jiro maamuladda qaybta ka ah misaaniyadda 2026-ka islamarkaana uusan waxba xildhibaankaasi sheegay.

“Xildhibaankaasi Waqooyi-Bari uma hayo shaqo wanaagsan oo horumar u ah,waxa uu ka shaqeeyo waa inuu dadka shaki geliyo niyad jabiyo,waxaan jirina u sheego,miisaaniyadna kama shaqeeyo,miisaaniyadna ma oga” ayuu yiri Cabdi-Qowdhan

Gudoomiyahii Guddida Maaliyadda iyo misaaniyadda Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu carabka ku adkeeyay in miisaaniyada uu isagu gacanana ku haya , kana soo jeedo deegaanada Maamulka Waqooyi Bari ,wuxuu intaasi ku daray ineysan jirin cid isaga kaga xog-ogoolsan miisaaniyada Dowlada iyo meelaha lagu bixiyo.

Dhanka kale masuulkaani wuxuu sheegay in kuwa wararka nuucaasi wada inay yihiin kuwa isaga marka ay soo wacaan oo shaqa ka dalbaaan markuu u diido waxay raban meelaha ka sheeg sheega sida uu warka u dhigay.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -