Masuul ka tirsan Dowlada Nigeria ayaa ka farxiyay boqol Gabdhood oo dalkiisa u dhalatay kuwaasoo aan lahayn wax reera islamarkaana u suurtagaliyay inay rag helaan dhamaantood waliba hal munaasabad

Masuulkaan oo Xubin ka ah aqalka wakiilada dalka Nigeria ee laga soo doorto gobolka Kebbi sida ay sheegtay idaacada BBC-da ayaa guuriyay 100-kaas  gabdhood oo  waliba agoon ah kadib xaflad heer qaran ah oo la qabtay maalinnimadii Sabtida.

Advertisement

Xaflada meherkodoa waxaa lagu qabtay qasriga Boqorka Kabin Argungu Alhaji Ismaaciil Muxammad kaasoo laftigiisu guddoominayey xaflada meherka.

Dadka ku dhaqan deegaankan Kebbi ee waqooyi galbeed dalka Nigeria ayaa soo dhaweeyay talaabadaan iyagoona ku amaanay masuulka soo qaban qaabiyay iyo waliba qasriga marti geliyay guur wadareedka.

arooska iyo aroosad kasta ayaa mid mid loo mehriyay kadibna markii la dhameeyay ayaa xadflad guud loo qabtay halkasoo khudbado laga soo jeediyay taasoo farxada looga qeyb qaadanayay iyo dar daaran loo jeedinayay reeraha cusub ee la dhisay.

Dhanaka kale reer kasta waxaa la siiyay alaabtii ay guriga dhigan lahaayeen dhinac kasta.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Guurka agoonta

Previous articleMadaale, Al-cadaala iyo Yabooh oo Caawa booqday laamiyada uu roobku saameynta ku yeeshay+SAWIRRO
Next articleMareykanka oo Mucaawino u soo diray Gaza 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here