Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa maanta ka qeybgalay xirirtaanka shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta oo ka socday magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Waxaana Kulanka lagu meelmariyay Nidaamka asaasiga ah ee Jamciyadda iyo xisaab xirka Miisaaniyad sanandeedka 2022.

Advertisement

Shirka xoghayayaasha Baarlamaannada Jaamacadda Carabta ayaa sidoo kale inta uu socday waxaa la isla qaatay taageeridda musharaxnimada XIL. Marwa Cabdibashir Xaaji oo kamida mudanayaasha Golaha Shaacabka ee BJFS.

Wafdiga shirka ayaa booqasho ku tagay Golaha Shuurada ee Dowladda Qatar halkaas oo uu warbixin ku siiyay Xoghayaha guud ee Golaha Shuurada Qatar Dr. Axmed Fadaala.

Ugu dambeyn Xoghaya guud ee Golaha shacabka ayaa kulan gaar ah la qaatay dhigiisa Qatar waxeyna isku afgarteen in Dowladda Qatar ay gacan ka geysaneyso barnaamijka tabarada Xildhibaanada iyo Shaqaalaha Golaha Shacabka BJFS, waxaana uu xoghaye jaabir ku wareejiyay Barnaamijka oo Qoraal ah Xoghayaha Qatar.

May be an image of 2 people, lighting and daisMay be an image of ‎10 people, dais and ‎text that says "‎المؤتمر العاشر لجمعية الأمناء العامين للبرلمانات العربية ۱۳-۱۳ سبتمبر ۲۰۰۲ o‎"‎‎May be an image of 7 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and tableMay be an image of ‎2 people and ‎text that says "‎الشورى مجلس The S Council State of Qe قط دولة‎"‎‎May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here