Xaalada Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inay aad u adag tahay xili maalmihii ugu danbeeyay ay go’doonsantahay.
Gudoomiye ku xigeenka Magaalada Baladweyne ee dhanka arimaha bulshada C/llaahi Faracaare ayaa noo sheegay in guud ahaan maamul iyo shacaba lagu wada go’doonsan yahay Magaalada bale ay ka maamul ahaan u adeegayaan bulshada.
“Waxaan adeegsaneynaa dooman aan ku daabulno shacabka si aan u gaarsiino goobaha biyaha ka fog sida taaga ama xitaa inay magaalada oo dhan ka fogaadaan”ayuu yiri C/llaahi Faracaare
Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray inay badan yihiin qoysaska ku go’doonsan biyaha taasina ay keentay hadba intey doomanku qaadaan inay ku daabulaan qoysaska.
Dhanka kale mar aan wax ka weydiinay Gudoomiyaha khasaaraha dhimasho intay ogyihiin tan iyo markii roobabka iyo wabigu ku rogmadeen magaalada ayuu sheegay inay jiraan dad dhintay iyo kuwa la la’yahy nolol iyo geeri.
“6 ruux ayaa dhimatay kuwaasoo 5 ka mida yihiin dadka deegaanka halka 1 ruux ay aqoon waayeen balse meydkiisa ay soo heleen doraad  qoloda gurmadka” syuu yiri masuulkaan
Gudoomiye xigeenka wuxuu intaasi ku daray inay jiraan 5 ruux oo ka mida dadka deegaanka oo iyana nolol iyo geeri lagu la’yahay balse markii ugu danbeysay ay biyuhu dafeen
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here