HomeWarkiiMasuul ka tirsan maamulka Puntland oo ku faanay in guulaha dagaalka Daacish...

Masuul ka tirsan maamulka Puntland oo ku faanay in guulaha dagaalka Daacish ay ku gaareen saanad milateri oo ay joogto u helaan

GAROWE (DAYNIILE.COM)-Agaasimaha guud ee Wasaarada Maaiyada Maamul Goboleedka Puntland Axmed Jaamac Jowlo  oo ka hadlay dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ayaa ku faanay in guulaha badan ee ay ciidamadoodu gaarayaan ay ku hanteen agabka dhanka milateri ee ay helaan.

\Axmed Jowlo wuxuu shaaca ka qaaday in agabka Milateri ee ay helaan ay ku gaareen guulaha badan ee Daacish ay ka soo hooyeen,masuulkaani wuxuu xusay inay deegaano badan gacanta ku dhigeen ciidamadoodu.

“Ciidamada Puntland inay weeraro is daba joog ah qaadaan, kana saaraan daacish deegaano badan waxaa noo suurtageliyay fursadaha aan u helno saanadaha milateri ee joogtada ah”ayuiu yiri Agaasime Axmed Jowlo

Sidoo kale Agaasimaja wuxuu ku amaanay ciidamada darwaaiishta puntland kartidooda ay ku wajahaan cadowgooda daacish, sidoo kale shacabka puntland ayuu ku amaanay dhiiri-gelinta joogtada ah ee ay siiyaan ciidamada inay guulo badan horseeday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -