GAROWE (DAYNIILE.COM)-Masuul asal ahaan ka soo jeeda Soomaalida Waqooyi ee Maamulka Somaliland kana tirsanaa Hay’ada duulista Puntland  ayaa la soo sheegayaa inuu ku geeriyooday Magaalada Garowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Masuuliyiinta Puntland ayaa meydka ninkaani oo lagu magacaabi jirey Cabdi Xaji Xasaan (Abraar) waxay u direen Magaalada Hargeysa si ehelkiisu u duugtaan.

Advertisement

saraakiil  reer Puntland oo diyaarad ka saaray Meydkaasi Magaalada Garowe ayaa ka digay in lagu kadsoomo dad si xun u fasiraya geerida ku timid masuulkaani iyagoona sheegeen inuu xanuun soo wajahay darteed uu u geeriyooday.

Reer Puntland waxay sheegeen in wiil uu dhalay ninka dhintay uu yimid Garowe, wax walbana ay ka qanciyeen soona tuseen hoygii uu deganaa waalidkisa geeriyooday.

Hadaba faah-faahinta sharaxaada saraakiisha Puntland ka daawo muuqaalkaan aan ka soo xiganay Dalsan TV:-

Previous articleXaafada Islii oo beri lagu wado inuu ka bilowdo qorshe Somaida faraha qaxootiga looga tirtiraayo
Next articleQarax khasaare gaystay oo lala eegtay ciidamo Dowlada Somalia ka tirsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here