K/s Guddoomiyaha gobolka benaadir ahna kuxigeenka koowaad ee Maamulka gobolka benaadir & Dowladda hoose ee xamar Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud ayaa maanta soo saaray warqad looga digayo dad boob kawada mar labaad dhul danguud oo horay Maamulka ugasoo saaray go’aano laxariira joojinta boobka hantida guud.

Dhulkaan ayaa kuyaala Suuqa siinaay oo katirsan degmada warta nabadda, waxaana la ogaysiiyay Xafiiska madaxwaynaha,Ra’isul wasaaraha, hantidhowrka guud, Garyaqaanka guud ,Taliska booliska, Xoghahaya Maamulka gobolka & kuxigeenada gobolka & guddoomiyaha degmada warta Nabadda oo ah halka uu boobku kataagan yahay.

Dhulkaan oo horay loo joojiyay boobkiisa ayaa mar labaad waxaa soo baxay shaqsiyaad ka faa’iidaysanaya kala guurka wadanka galay kuwaasoo raba in ay ka gaarsiiyaan.

Guddoomiye abdulkadir ayaa lagu yaqaanaa difaaca dhulka danta guud inta uu xilka hayo, isagoo marar badan ishortaagay boob lala damacsanaay dhul danguud ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here