HomeWarkiiMasuul u hadlay Itoobiya oo shaaciyay ineysan wax dan ah ugu jirin...

Masuul u hadlay Itoobiya oo shaaciyay ineysan wax dan ah ugu jirin dagaal ay la galaan Dariskooda Eritrea.

ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-Masuul u hadlay Dowlada Itoobiya ayaa daboolka ka qaaday inaaney wax dana ugu jirin xiligaan inay dagaal la galaan Dalka Eritrea oo ah mid ka mid ah dalalka dariskooda ah

“Dowladda iyo shacabka  Itoobiya wax dan ah uguma jirto inay dagaal la galaan dowlada iyo shacabka Eritrea” ayuu yiri Guddoomiyaha kooxda iskaashiga baarlamaanka Itoobiya Ambassador Dina Mufti oo ayaa wareysi uu siiyay idaacada BBC

Masuulkaani u hadlay Itoobiya wuxuu soo hadal qaaday mid ka mid ah caqabadaha keenay in Itoobiya xiisado dagaal mar kasta dhexda ka fadhido taasoo ah deked la’aanta iyadoo la ogyahay in dhawaan dagaal adag oo diblomaasyadeed uu ka dhex qarxay Somalia iyo Itoobiya kaasoo ay ku raadinayeen marin biyood markii ay heshiis sharci daro ah la saxiixdeen Muuse Biixi,

“deked la’aanta waxay caqabad ku tahay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida Itoobiya”ayuu markale yiri

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -