HomeWarkiiMasuuliyiin Hirshabelle ka tirsan oo booqday ciidamada deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin Hirshabelle ka tirsan oo booqday ciidamada deegaanka Xaaji Cali

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Hirshabelle ayaa gaaray deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana hoggaaminaya Xildhibaan Geeddi Oomane oo ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle, Taliyaha Booliska Hirshabelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, iyo Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Muuse Shitaawe.
Kormeerka masuuliyiintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xukuumadda Hirshabelle ay ku taageereyso ciidamada deegaanka ee ka qayb qaadanaya xoreynta gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ciidanka xaq u dirirka deegaanka ee ku diyaarsan Degmada Cadalle iyo aageeda oo safarkani lagu dhiirrigelinayay, ayaa door muuqda ku leh dagaalka lagu wado in lagaga saaro Khawaarijta deegaannada gobolka.
Masuuliyiinta ayaa ku boorriyay ciidamada in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda, iyagoo ballan qaaday in dowlad-goboleedka Hirshabelle iyo dowladda dhexe ay garab istaagi doonaan howlgalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, kaas oo ka bilaabanaya gobolka Shabeellaha Dhexe.May be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people and rhinocerosMay be an image of 8 peopleMay be an image of 15 peopleMay be an image of one or more people and camelMay be an image of 6 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 5 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of ‎6 people, jeep and ‎text that says "‎ف POLICE‎"‎‎May be an image of 8 people and rhinocerosMay be an image of one or more people, camel, all-terrain vehicle, motorcycle and crowd
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -