HomeWarkiiMasuuliyiin ka tirsan Dowlada Afganistan oo shil diyaaradeed galay

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Afganistan oo shil diyaaradeed galay

Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Afganistan ayaa la soo sheegayaa inay diyaarad kula dhacday magaalada Chaghcharan halkaasoo ah meel buuraley ah waxaana la arkayay ciida dhulkaasi oo goobta dhan wada qarisay.

Diyaarada oo ah nuuca qumaatiga u kacday ayaa la soo dhacday Wasiirka Macdanta Afgaanistaan, Guddoomiyaha Gobolka Ghor, iyo kuwa kale , diyaarada ayaana dhacday islamarkii ay dhulka ka kacday islamarkaana hawada sii gashay.

Warara shilkaani ku saabsan ayaa sheegaya inuusan jirin wax khasaare nafeed ah, waxaana bad baaday dhamaan masuuliyiintii saarnaa diyaaradaasi soo dhacday markaasoo dad badana goobta ka kala carareen markii ay soo dhacday.

Dowlada Afganistaan oo ay hogaaminayaan Daalibaan ayaa waxaa la soo sheegayaa in diyaaradaha ay adeegsanayaan inay u badan yihiin diyaaradihii duqoobay ee sameeyeen midowgii soofiyeetim, taas ayaana loo aaneynayaa diyaarado badan oo dalkaasi ku soo dhacday kuwaasoo masuuliyiin iyo shacaba ay adeesanayeen.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -