Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland ayaa ku guulaystay in la xalliyo xiisad la xiriirtay ceelal qodis oo mudda asbuuc ah ka taagnayd degaanka Balli Busle ee Gobolka Mudug.

Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee Puntland oo kaashanaya odayaasha labada dhinac ee ku muransanaa ceelasha ayaa ku guulaystay in la kala qaado maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Advertisement

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in la kala qaaday labadii maleeshiya-beeleed ee isku hor fadhiyay degaanka Balli Busle islamarkaana la xalliyay xiisaddii taagnayd.

“Gudoomiyaha ayaa ku guulaystay in lakala qaado Melayshiyo beeleedyo asbuuc halkaa isku horfadhiyey iyadoona la xaliyey dhamaan waxii la isku haystay dibna looga balamay in fadhi labaad laga yeesho” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Previous articleDalalka Bariga Dhexe oo ka jawaabay falkii lagu gubay Kitaabka Qur’aanka
Next articleWararkii ugu dambeeyay dagaal ka dhacay degaanka daaru-nicma iyo faah faahin laga helay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here